Abiy Axmed oo Shaaciyay in dalal Awood iyo Dhaqaalo heesta faro galin ku hayaan dalkiisa

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ay jiraan dalal awood iyo dhaqaalo badan heesta iyo hay’addo kala duwan in ay faro galin qaawan ku haya arimaha gudaha dalkiisa.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dalal dhaqaalo xoogan heesta iyo hay’addo uu magacyadooda qariyay in ay doonayaan in faragalin ku sameeyaan arimaha gudaha Itoobiya una yeeriyaan waxa ay iyagu doonayaan iyo habka ay rabaan in loo noolaado.

Waxa uu uga digay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed dalalka iyo hay’adaha faro galinta ku haya in ay faraha kala baxaan arimaha gudaha Itoobiya, waxa uuna cadeeyay in go’aanka doorashada ay gaarayaan dadka Itoobiyaanka.

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, waxa uuna xusay in dhagarta loo maleegayo Itoobiya ee dibadda ka socota ka feejigan yihiin.

Dowlada Itoobiya ayaa cadaadis kala kulmaysa qaar kamid ah wadamada caalamka oo dhaqaalo ku taageero iyo hay’addo kala duwan kadib markii dowlada shaacisay in mar kale doorashada dalkaasi dib u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -